Please reach us at info@icpasorg.com if you cannot find an answer to your question.
Wixii su'aal kale aad qabto, fadlan ku soo dir emailka info@icpasorg.com
J. Waxa loogu talo galay qof doonaya in aasaaska accounting-ka uu fahmo sida qof aan hore u soo dhigan accounting ama beri hore ugu danbeysey.
J. Wax shahaado ah lagama raba ardayga CAF-ka galaya. Hase ahaate, waxa muhiim ah ardaygu in uu garanayo aqoontii aasaasiga ahayd ee dugsiga sare.
J. waxa loo baahanyahay in ardaygu soo buuxiyo warqadda codsiga (application form) loogu talo galay barnaamijka oo aad ka helaysid xafiiska ama ku soo buuxin karto online.
J. Haa. Ardayda dhamaysatay barnaamijka CAF waa ay bilaabi karaan CATT-ka.
J. Xilliga aad ku dhamayn karto barnaamijkani waxa ay ku xidhantahay waqtiga aad buuxiso shuruudda ku xidhan. Ardaydu waxa ay isku celcelin imtixaanada ku dhamaysaa 5 bilood illaa 7 bilood.
J: Haa. Tusaale ahaan, ardayda dhigata barnaamijka CAF, waxa ay qaadan karaan hal ama labada course ba ee ay shaahadadani ka koobantahay.
J. Ardaygu sida uu doono ayuu u kala horaysiin karaa. Waxa aad ku bilaabi kartaa course ka aad doonayso.
J. Waxa la galaa imtixaanka sannadkiiba saddex jeer, oo kala ah April, August iyo December.
J. Waxa la dhigtaa bilaha ka horeysa bisha imtixaanka la galayo. Tusaale ahaan, ardayda August dhamaadkeeda imtixaanka galaysaa, waxa ay bilaabayaan tobabarka bisha May.
J. Waxa la dhigtaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, waxana lagu dhigtaa Machadka Hay’adda Shaqaalaha (CSI).
J. Is diiwaangelinta waxa ay joogsataa bisha ka horeysa bisha tobabarka la bixinayo. Tusaale ahaan, imtixaanada la qaadayo March, waxa ay xidhmaysaa isdiiwaangelintu January dhamaadkeeda. Waxa se aad oogsoonaataa in waqti kaste aad is diiwaan gelin karto. Haddii fadhiga March kaa xidhmo, fadhiga ku xiga ayaad is diiwaan gelin kartaa. Xilliyada is diiwaangelintu xidhmayso waxa aad kala soconaysaa bogaga baraha bulshada ee ICPAS ku leedahay Facebook iyo LinkedIn.
J. Lacagta ama fees-ka ardayga laga qaado waxa ku jiraa khidmadda tobabarka, khidmadda imtixaanka iyo buugaagta.
J. Haa. Dib waad ugu noqon kartaa imtixaanka haddii aad ka gudbi kari waydid. Waxa se aad bixinaysaa khidmadda imtixaanka ($30) (re-exam fees). Haddaba, ardayga ka sarreeya 59 se aan gaadhin 70 oo ah calaamada lagu pass-gareynayo, waxa loo ogolyahay in bilaash uu ugu celiyo fadhiga imtixaan ee ku xiga kii uu gudbi kari waayay.
J. Haa. Imitxaanka ardaygu dib wuu u dhigan karaa haddii uu soo sheego labo usbuuc ka hor waqtiga imitxaanka. Hasa ahaatee, ardaygu dib u dhigasho (rescheduling) ma samayn karo mar wax ka badan.
J. Haddii aad soo sheegto dib u dhigashada imtixaanka laba usbuuc ka hor (adigoo ku soo sheegaya email ama teleefan), waxa aad soo buuxinaysaa form-ka online-ka ah ee loogu talo galay codsiga dib u dhigashada imtixaanka.
J. Waxa ay ku xidhantahay xaaladda degdega ah. Waxa keliya ICPAS ogashahay xaaladaha caafimaad, safarada shaqada ee hore aan loo sheegin iyo wixii la mid ah. Ardaygu waa in uu soo buuxiyaa codsiga dib u dhigashada, sidoo kalena soo diraa wax caddaynaya xaaladda degdega ah ee ku timid sida warbixinta dhakhtarka iyo wixii la mid ah.
J. Waxa aad kaga gudbaysaa haddii aad keento 70% ama wax ka badan (pass mark 70%).
J. Natiijada imtixaanka waxa ardayda loo dirayaa 21 maalin shaqo gudahood (within 21 working days) marka imtixanaada fadhigu dhamaadaan.
J. Arday kastaba natiijada imtixaankiisu waxa ay ugu soo dhacaysaa email-ka uu isticmaalo.
J. Natiijooyinka ICPAS ay ardayda u dirto waxa dib loo eegaa saddex jeer si loo hubiyo saxnaanta iyo in la raacay habraaca sixidda imtixaanka. Hasa ahaatee, waxa ardayga loo ogolyahay in uu cabasho ka soo gudbiyo natiijada usbuuc (week) gudihii marka la sii daayo natiijada. Waxa aanu ku soo saaraynaa go'aan-ka xallinta cabashada muddo aan ka badnayn 21 cisho.
J. Maya. ICPAS waxa ay kula xidhiidhaa ardayda email. Fadlan hubi lana soco email-ka kuu diiwaan gashan. Haddii emails ka aanad helin, fadlan la soo xidhiidh teleefanka ICPAS 518066 ama +252 63 7755761 xilliyada shaqada. Sidoo kale waxa aad u diri kartaa xafiiska email info@icpasorg.com
Copyright © 2025 ICPAS - All Rights Reserved.