Please reach us at info@icpasorg.com if you cannot find an answer to your question.
Wixii su'aal kale aad qabto, fadlan ku soo dir emailka info@icpasorg.com
J. ardaygu waa in uu sito shahaado ah accounting, business, economics ama wax la mid ah. Sidoo kale, ardayda dhigatay barnaamijyada professional-ka waa la aqbali karaa kadib marka la hubiyo ee codsiga is diiwaangelinta ay sameeyaan.
J. waxa loo baahanyahay in ardaygu soo buuxiyo warqadda codsiga (application form) loogu talo galay barnaamijka (oo xafiiska laga helayo ama online), sidoo kalena keeno shahaadooyinka (certificate & official transcript) rasmiga ah ee codsiga uu ku samaynayo.
J. Maya. Ardaygu waa in uu sidoo kale dhameeyo hal sannadood oo khibrad ah iyo tobabarka akhlaaqiyaatka oo saddex saacadood ah.
J. Maya. Khibraddii ka horeysa inta aanad imtixaanada dhamayn iyo tii aad samaysay intii imtixaanada aad ku jirtayba waad ku buuxin kartaa sannadka lagaa doonayo.
J. Waxa la qaadanayaa tobabarka marka la dhameeyo saddexda imtixaan kadib. Xafiiska ICPAS ayaa kula soo socodsiinaya waqtiyada la galayo. Tobabarku waxa weeye maalin kaliya waxana uu ku baxayaa online.
J. Xilliga aad ku dhamayn karto barnaamijkani waxa ay ku xidhantahay waqtiga aad buuxiso shuruudda ku xidhan. Ardaydu waxa ay isku celcelin imtixaanada ku dhamaysaa 4 bilood illaa 9 bilood.
J: Haa. Tusaale ahaan, ardayda dhigata barnaamijka CATT, waxa ay wada qaadan karaan hal, laba ama saddexda course ee ay shaahadadani ka koobantahay. Adiga ayay kugu xidhantahay inta aad wada qaadanayso mar kaliya.
J. Ardaygu sida uu doono ayuu u kala horaysiin karaa. Waxa aad ku bilaabi kartaa course ka aad doonayso.
J. Waxa lagaaga baahanyahay in aad buuxiso booking form-ka (xafiiska ama online) bixisana lacagta paper-ka aad qaadanayso.
J. Waxa la galaa imtixaanka sannadkiiba afar jeer, oo kala ah dhamaadka bilaha March, June, September iyo December. Laga bilaabo January 2024, imtixaanka Financial Reporting (FR) waxa la galayaa saddex jeer sannadkii oo kala ah April, August iyo December.
J. Waxa la dhigtaa bisha ka horeysa bisha imtixaanka la galayo. Tusaale ahaan, ardayda June dhamaadkeeda imtixaanka galaysaa, waxa ay bilaabayaan tobabarka bisha May bilowgeeda.
J. Waxa la dhigtaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, waxana lagu dhigtaa Machadka Hay’adda Shaqaalaha (CSI). Haddaba, waxa suurto gal ah in class-yo dheeraad ah la qaato haddii loo arko lagama maarmaan.
J. Is diiwaangelinta waxa ay joogsataa bisha ka horeysa bisha tobabarka la bixinayo. Tusaale ahaan, imtixaanada la qaadayo March, waxa ay xidhmaysaa isdiiwaangelintu January dhamaadkeeda. Waxa se aad oogsoonaataa in waqti kaste aad is diiwaan gelin karto. Haddii fadhiga March kaa xidhmo, fadhiga ku xiga ayaad is diiwaan gelin kartaa. Xilliyada is diiwaangelintu xidhmayso waxa aad kala soconaysaa bogaga baraha bulshada ee ICPAS ku leedahay Facebook iyo LinkedIn.
J. Lacagta ama fees-ka ardayga laga qaado waxa ku jiraa khidmadda tobabarka, khidmadda imtixaanka iyo buugaagta.
J. Haa. Dib waad ugu noqon kartaa imtixaanka haddii aad ka gudbi kari waydid. Waxa se aad bixinaysaa khidmadda imtixaanka ($50) oo kaliya (re-exam fees).
J. Haa. Imitxaanka ardaygu dib wuu u dhigan karaa haddii uu soo sheego labo usbuuc ka hor waqtiga imitxaanka. Hasa ahaatee, ardaygu dib u dhigasho (rescheduling) ma samayn karo mar wax ka badan.
J. Haddii aad soo sheegto dib u dhigashada imtixaanka laba usbuuc ka hor (adigoo ku soo sheegaya email ama teleefan), waxa aad soo buuxinaysaa form-ka online-ka ah ee loogu talo galay codsiga dib u dhigashada imtixaanka. Fadlan ogsoonow in ardayga loo ogolyahay in uu dib u dhigto gelista imtixaanka HAL MAR kaliya.
J. Waxa ay ku xidhantahay xaaladda degdega ah. Waxa keliya ICPAS ogashahay xaaladaha caafimaad, safarada shaqada ee hore aan loo sheegin iyo wixii la mid ah. Ardaygu waa in uu soo buuxiyaa codsiga dib u dhigashada, sidoo kalena soo diraa wax caddaynaya xaaladda degdega ah ee ku timid sida warbixinta dhakhtarka iyo wixii la mid ah.
J. Waxa aad kaga gudbaysaa haddii aad keento 50% ama wax ka badan (pass mark 50%).
J. Natiijada imtixaanka waxa ardayda loo dirayaa 21 maalin shaqo gudahood (within 21 working days) marka imtixanaada fadhigu dhamaadaan.
J. Arday kastaba natiijada imtixaankiisu waxa ay ugu soo dhacaysaa email-ka uu isticmaalo.
J. Natiijooyinka ICPAS ay ardayda u dirto waxa dib loo eegaa saddex jeer si loo hubiyo saxnaanta iyo in la raacay habraaca sixidda imtixaanka. Hasa ahaatee, waxa ardayga loo ogolyahay in uu cabasho ka soo gudbiyo natiijada usbuuc (week) gudihii marka la sii daayo natiijada. Waxa aanu ku soo saaraynaa go'aan-ka xallinta cabashada muddo aan ka badnayn 21 cisho.
J. Maya. ICPAS waxa ay xogta iyo ogaysiisyada ku gudbisaa Email. Fadlan hubi lana soco email-kaaga. Haddii emails ka aanad helin, fadlan la soo xidhiidh teleefanka ICPAS +252 63 7755761 xilliyada shaqada, ama email u soo dir info@icpasorg.com
Copyright © 2025 ICPAS - All Rights Reserved.